Posts

Showing posts from July, 2022

7 ASBUUC OO BILAA INTERNET AH

Ka maqnaanshaha internet ku waa dareen ay tahay in ay naf walbaa dhadhamiso si'ay bal ugu baraarugto nolosha hareeraheeda ka jirta. İnternet ku Faa'iido iyo Khasaare labadaba waa leeyahay balse ujeedka qoraalkaygu labadaas midna maaha ee waa dareenkii aan dareemay mudadii aan bilaa internet ka ahaa. Labadii maalmood oo u horreeyay waxa ay ila ahayd sida in qol mugdi ah laygu xiray. Waxa ugu badan ee aan dareemayay waxa ay ahayd cabsi aan ka qabo waxa isbaddalay aniga oo aan ogayn. Sida aad ogtihiin isticmaalka baraha bulshadu waxa ay noqotay qeyb aan la goyn karin oo nolosha kamid ah, si'aad uga warqabto ehelka, si'aad shaqadaada uga fushato haddii aad shaqaysid, Waxbarashadii ayaa ku xiran haddii aad wax baratid. Waa qeyb aan la is diidsiin karin. Aniga kiiskayga waxa ugu daran waxa ay ahayd ka warqabka ehelka.  Hadda waxaa caadi noqotay in dadkii dadka kuugu dhawaa xanuunkooda ama geeridooda aad ka aragtid status WhatsApp ama Facebook. In la is waco oo lay...