SARİİRTA DHİMASHADA
Waxa ay dhagahaygu maqlayaan codka ambalaasta. Waxa aan isku dayayaa in aan markii ugu dambaysay wax dhaho mase awoodo in aan bushimaha kala furo. İndhaha ayaan hadba isku qabanayaaa. Mugdi wayn ayaan arkayaa markaas baan aniga oo cabsanaya kala qaadayaaa, haddana waan isku qabanayaa waxa aan ka baqayaa in aan mar kale kala qaadi waayo. Waa bartamaha habeenka. Waxa aan ogahay in haddii wax i gaaraan aysan cidina ogaan doonin subaxa kahor. Yaa xilligaan saq barka ah furaya taleefankooda!. Si arxan daran ayay ii qaadayaan kuwa gargaarka deg dega ahi. Marka ay arkaan in aan ajnabi ahay haddana aysan cidina ila joogin ayay igu eegayaan indho naxariis ka maran. Afka haddii aanan ka hadli karin maskaxdayda ayaa xad dhaaf u shaqaynaysa. Waxa aan ku ducaysanayaa in aan helo jaanis labaad. İn aan ka kaco sariirtaan baqdinta iyo kelinimada miiran ah. Dhagahaygu waxa ay wali sii maqlayaan codkii ugu dambeeyay ee wiilkii aan facebook ka bartay aqoonta kalana aana u lahayn. Waan xa...