Posts

Showing posts from February, 2022

WARAAQDİİ AFRO

WARAAQDİİ AFRO Afrooy hooyo haddii aad nasiib u yeelato in aan ku dhalo oo aan dunidaan ku keeno, ogow kuma keeni doono aniga oo aan hubin in aad ammaan ku helayso dhulkaan.  Afrooy hooyo ma guursan doono ninka koowaad ee aan jeclaado, waxa aan hubin doonaa in qalbigaygu jabo kumanaan jeer miyaad garanaysaa sababta aan rabo in aan sidaa u sameeyo hooyo?. Haddii aan guursado wiilka koowaad ee aan jeclaado waxa aan u noqon doonaa addoon ka cabsi qabta nolosha dunida in ay wajahdo kaligeed haddii ay waydo jacaylkiisa. Si aysan taasi u dhicin waxa aan ka tagi doonaa tobanaan wiil si'aan u hubiyo in qalbigaygu adkaaday oo aan noqday mid dunida wajihi karta marxalad walba. Mid uusan jacaylku dabar u ahayn ee uu xarig xornimo u yahay. Afrooy hooyo haddii aan ku dhalo kuma cabburin doono. Waxa aan ogolaan doonaa in aad is qeexdo bilowga hadal barashadaadaba. Afrooy hooyo anigu yaraantaydii waxa aan ahaa gabadh yar oo aad u hadal badan. Waxa aan hayay jawaabaha su'aalo aan d...