WAAYİHİİ ADKAA EE WARSAN Q:1AAD
İsaga oo dhulka eeg-eegaya, ma waxa uu ogaa in uu heli doono wax noloshiisa baddeli doona, mise si'aan ula kac ahayn ayuu u baadi goobayay wax dhulka uga dhumay waqti hore, ka ay tahayba waxa uu indhaha ku dhuftay bac buluug ah oo taalla wadada dhinaceeda, wuu shakiyay waxa uu is yiri "Ma laga yaabaa in ay qarax tahay, muqdisho aaminaad ma leh alaab meel taallana kaba sii darane ammay noloshaada galaafataa." isaga oo sidii uga labalabayna in uu dhankeeda u dhaqaaqo kuna dhiirran la' in uu ka tago ayuu inta raganimo isgaliyay naftiisana ku yiri "Guuleed nin baa Alle kaa dhigaye, ama dhaqaaq oo xaafadaadii dhankeeda u jeenso ama inta baqdinta iska daysid soo eeg bacdaan daliigaha leh ee aad moodid in ay adiga ku sugayso."
Bacdu waa bac ay muuqato in aysan muddo meesha oollin ee dhawaan lasoo dhigay, waxa uu niyaddiisa iska yiri mar kale "waa ayada iskuulka Alraxma uu ku yaallo wadadaan dhinaceeda dambe e waxaa ay u badan tahay in carruurta iskuulku ay buugtoodii meesha ku illoobeen." Dhankii bacda ayuu u dhaqaaqay haddii uu furay waxaa dhex fadhiya labo buug oo cafash u eg waraaquhu duugoobeen oo mar ama labo jeer inta qoyay la qalajiyay. Wuu shakiyay, waxa uu iswaydiiyay in buugta sidaan u eg uusan ilmo yari lahayn ugu yaraan qof wayni uu leeyahay, labada buug kii dhankiisa xigay ayuu kala furay mise waxaa ku qoran WAAYİHİİ ADKAA EE WARSAN. Xiiso wayn ayuu usii qaaday in uu ogaado waxa buugga ku qoran isaga oo dhinacyada iska eegaya sidii tuug wax xadidu ku cusubtahay ayuu ula dhaqaaqay dhanka xaafaddiisa.
Sariirtii nafarka ahayd oo uu go' jacdadan baro baro wasakh ahna ku xardhan yihiin kor duuduuban yahay ayuu salka dhigay, weli niyadiisu ma xallin waxa uu kala kulmi karo buugtaan uu soo xambaartay, waxa kaliya ee uu ogyahay waa in uu doonayo in uu ogaado waayaha adag ee Warsanta uusan aqoon Jinni iyo İnsi waxa ay tahay.
Guuleed markii uu furay boggii koowaad waxaa kasoo boodday buuggii caaro wayn oo uu malaha gabbaad u ahaa buugga uu akhriskiisa maaggan yahay.
Wuu baqay, oo uu bacdii meel halkaas ah ku halgaaday. Kor ayuu u yiri "War waa maxay bacda halaqyo galeen ka ah ee aan soo qaatay." Ayeeydiis oo suuli albaabkiisa la siman kasoo baxday ayaa inta qolka illinkiisii soo istaagtay gudahana soo qooraansatay ku xaal waraysatay "Ayeeyo maxaad la qaylisay yaa ku la lagdamaya." İnta uu u soo luuday dhankeedii ayuu ku yiri "Waxba, waxa aan iska buubinayay bahal yar oo i fuulay." Ayeeydiis Ardo ayada oo aad moodid in ay ka xishoonayso waxa ay oran doonto ayay ku bilowday hadal aad moodid in ay ku sasabayso nafteeda, mise wiilka mise faqriga haysta garan mayo e waxa ay si hoose u tiri "Ayeeyo maanta dab lama shidin, saakana waa adigii qadoodiga ku baxay, waana ogahay adiguna in aad jaamacaddii kasoo lugaysay qorrax kulaylkaan. İslaantii Sahra ahayd ayaan is iri bal wax kasoo dayn qaado waxa ayse indhaha iiga dhufatay jawaab kulul ayada oo i abhisay iina sheegtay in ay lacagteedii hore iga sugayso wax dambe oo ay i siiso warkeedu ha jooga e."
Guuleed jiriirico ayaa ku jajabtay, kama uu xumaan qadada la karin waayay iyo quraac la'aanta uu saaka ku baxay, afkiisa waxaa saaran naab ay ku reebtay gaajadu, qofkii la kulma ama usoo dhawaada waxaa u soo uraya gaajada afkiisa ka uraysa.
Caloosha bini'aadamku haddii aysan muddo wax cunin waxa aad mooddaa in ay farriin u dirrayso dadka ku hareeraysan qofkaas gaajadu dilootay, mar ay naqas soo dayso, iyo mar ay hoos u gunuunucdo ayay u qaybsantahay. Ayeeydiis oo albaabka taagan aadna moodaysid in ay isaga ka sugayso jawaab ay isku samarsiiso ayuu inta soo ag istaagay ku yiri "Ayeeyo, anigu waxa aan wax lasoo cunay saaxiibkay Xasan oo aan fasalka kasoo wada baxnay ee adigu wax ma cuntay?" Hoos ayay u tiri "Haa Ayeeyo aniguna masagadii xalay hartay waxyar oo haraadigeedii ahaa ayaan cunay, gaas ayaaba igu kacsanaa oo haddii aan cunno haysto xattaa ma heleen awood aan ku cuno ee Ayeeyo waxba aniga ha iga walwalin." Ma ka dhab baa warkaasi oo gaas ma ku kacsanaa mise isaga ayay ku sasabaysay in uusan ka walwalin gaajada iyo faqriga guriga ka jira.
Cabbaar ayuu qolkii boorka iyo ustagga isku darsaday dhex war-wareegay, waxa uu dib u milicsaday intii jeer ee uu isku dayay in uu shaqo raadiyo balse ay u suurto gali wayday. Adeerkiis Caydiid baa hadba wax ku soo tuura taleefanka Ardo, wax lagu xisaabtami karo se maaha, waa nin iska qayila oo lama ba hubo in uu xasuusan doono in la sugayo iyo inkale. Bilaha qaar waxa uu soo diraa bisha kowdeeda mararka qaarna 30 keeda.
Guuleed iyo Ayeeydiis Ardo noloshoodu waa mid u eg midda ay ku nool yihiin kumanaanka qoys ee ku dhaqan magaalada muqdisho. Dunidu iskama warqabto dadkaas halka qorraxda ahi usoo wada baxdo, halka dayaxa ah wada iftiinsada haddana noloshoodu waxa ay kala tahay sida maalinka iyo habeenka, Ardayda timaadda jaamacadda Simad subax walba oo sabti ah qaarkood waxa ay soo xaadiraan fasalka ayaga oo shaar cusub ama shuko cusub oo aan horay loogu arag qaba, halka qaarka kale ay yimaadaan ayaga oo caloosha gacanta ku haya daqiiqad walbana gaajo daacaya.
Guuleed waxa uu ka mid yahay dadka nasiibka wax ku barta ee aysan waayaha noloshiisu u ogolaadeen in uu waqiis iyo waagiis wax barto. Markii uu dhammaynayay dugsigii dhexe ayaa uu ku baasay natiijo aad u sarraysa. Guddigii waxbarashada ayaa u ballan-qaaday in uu dugsiga sare lacag la'aan ku dhigan doono. İsaga waxa ay uga dhignayd in la siiyay mid kamid ah furayaaahii jannada. Dhiirranaantaas uu dugsiga sare ku bilaabay waxa ay sabab u noqotay in uu dugsigii sarana ku baaso natiijo aad u sarraysa oo uu xaq u yeeshay in dalka dibaddiisa si bilaash ah waxbarasho loogu diro, balse musuqmaasuqa iyo wax isbada marinta magaalada daashatay awgeed waxa uu nasiib u helay in uu jaamacadda Simad ka bilaabo kulliyadda sharciga iyo qaanuunka. Haddii uu ahaan lahaa qof haysta kala doorashooyin badan waxa uu ka caban lahaa musuqaas la gu la kacay isaga se in uu si bilaash ah jaamacad ku helo dalkaba haku taallee waxa ay la ahayd nimco aan laga caban karin.
Ayeeydiis marka ay dhaqaaqday ee ay dhagihiisa kusoo dhaceen jabaqda dacaskeeda dhammaadka ahi ayuu inta qolkii hoosta ka xirtay usoo tafo xaytay in uu ka salgaaro musiibooyinka ay sheegatay in ay haystaan Warsanta buugtaan xarxarriiqday, haddana waxa uu ku shakiyay in ay ayadu qortay iyo inkale ugu dambayn waxa uu naftiisa ku qanciyay in cidda qortay uu ogaan karo haddii uu buugga akhriyo. İsaga oo huba in aysan jiri karin cid isaga ka dhibaato badan ayuu kala furay buuggii.
Boggii koowaad ayaaba ku bilowday hanjabaad iyo cago juglayn, waxa uu u qornaa hab cajiib ah;
- Hadda waxa aad filaysaa in aad ogaan doonto qisadayda, in aad qisadayda ogaato waxaa ka horraysa in aad i rumaysato miyaad rumaysan doontaa wax walba oo aan halkaan ku qoray. Haa aniga waxa ay ila tahay in aad i rumaysan doontid sababta oo ah haddiiba aad ku dhiirratay in aad akhriso waxa ay ila tahay in aadan waayi doonin kalsooni aad igu aaminto. Waxa aan ku waydiinayaa sidee ayaad u qaadatay bacdii meesha qotontay, miyaadan ka baqayn in aad naftaada yar sidaas fudud ku waydid.
İnta uu horay usoo fariistay isaga oo shakisan ayuu eegay warqadda uu akhrinayo mise waa warqad korka laga galiyay ee aan buugga kamid ahayn, buuggu farta uu ku qoran yahay mid baaba'san bay u egtahay halka tani tahay far qalinkeedu qoyan yahay.
Ha illoobin in aad #share garaysid si dad badan u akhristaan, una wac qofka aad jeceshahay in uu kula bilaabo sheekadaan.
W/Q: Fadumo M. Alimaad
Markaad dhameyso isooshare garey
ReplyDeleteWaa sheeko cajiiba runtii
ReplyDeleteMshalhu horey usoco faadumooy waan kusoo biiray boggaada bloggerka insha allaah wixii caawinaad ah ee xagga blogerka ah diyaar baan kula ahay, waxaan kuu rajeynayaa inuu noqodo bloger guuleysta ♥️👸
ReplyDeleteMshalhu horey usoco faadumooy waan kusoo biiray boggaada bloggerka insha allaah wixii caawinaad ah ee xagga blogerka ah diyaar baan kula ahay, waxaan kuu rajeynayaa inuu noqodo bloger guuleysta ♥️👸
ReplyDelete