Posts

Showing posts from June, 2024

Talooyin ku anfici kara

Image
GACALO waxa aan kuu wadaa dhawr qodob oo ku anfici kara;  1. Nolosha adduunku waxa ay noqotay mid maslaxad ku dhisan. Xiriirada badankoodu waxa ay noqdeen kuwa dan ku dhisan haddii ay yihiin kuwa saaxaabtinimo, kuwa jacayl iyo kuwa qoysba. La how wax dadku kuugu soo hirtaan, sidoo kalana adigu ku dooro dadka kale hadba waxa ay kugu kordhinayaan.  2. Haddii aad ku jirta da’da qaan-gaadhnimada ama labaatanyeedaba waxa aad haysataa fursad wayn. Fursad ay fududahay in ay si fudud ku gu dhaafto adiga oo aan ka faa’iidaysan. Ka lahow nolosha qorshe cad, si’aadan hadhow u wareerin. Baro xirfad, kaa caawinaysa in aad nolosha horay ugu socoto. 3. Ka gudub xayn daabka maxay dadka kale iga aaminayaan. Anigaa kuu sheegaya, wax macno ah kuma fadhido waxa ay dadka kale kaa aamini doonaan. Cidina kuma xasuusnaan doonto, marna ha isaga dayn, qorshe aad lahayd, shaqo aad bilaabi lahayd ama qof aad dooran lahayd dadku sida ay kuu arki doonaan.  4. Marna hadde waa marna ha ka baqin in aad h...