Posts

Showing posts from October, 2023

YAA U BAAHAN JACAYL MARKA UU LACAG HAYSTO?

Foolxumaa jacaylku marka labada qof isku dhacaan. Haddana qurux badanaa marka xiisaha, carafta iyo saxansaxada rabitaanku dul wareegayso labo dareemaya in ay ayagu yihiin kuwa dunidaan u yimid in uu midkood ba kan kale hantiyo.   taleefankiisa ayay farriin gaaban balse macno wayn ku fadhida, farriin gacanta ay ka timid aan u lahayn macne ka sarreeya dareensii in aad heshay qof ka mudan isaga, balse qalbiga ay ku dhici doonto labo qeyb u kala dhanbali doonta, Farriin wiil jacaylka aaminsan weli, dareen xad dhaaf ah u haya tii koowaad ee uu indhaha ku furtay ka dhigi doonta in uu noqdo shabeel naagood dumarka sida shaarka iska ga beddala. Wiil qalbi nadiif ah leh ayay u rogi doontaa farriintaan yari mujrim aan wax aaminaad ah u hayn dunida waxa caqiidooyin yaalla. "Yaa u baahan jacayl marka uu lacag haysto?!." İn uu khalad akhriyay ayuu dhawr jeer ku shakiyay waase uu xaqiijiyay in su'aashu sidaas u dhigan tahay. Fajaciso kuma ay noqon oo Maryamo waa uu ka faliyay hadalkaas...